Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta shir ka furaya Muqdisho

by admin | Monday, Dec 6, 2021 | 397 views

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u Muqdisho ka furo shir looga hadlaayo caqabadaha horyaala dowladda cusub ee imaan doonta marka ay dhacdo Doorashada.

Shirka oo ay hoobjoog ka noqon doonaan qaar ka mid ah  hay’adaha Qaramada Midoobay, Ururada Bulshada Rayidka iyo Qubaro ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka auaa waxaa si gaar ah looga hadli doonaa arimaha ay ka midyihiin xal u helidda hanaanka Doorashooyinka haatan ka socda dalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roible & Mas’uuliyiinta kale ayaa la filayaa inay shirka ka jeediyaan khudbado ay uga hadlayaan xaaladda dalka & Arrimaha doorashooyinka

Like it? Share it!

Leave A Response