Ra’iisul Wasaare Rooble” Waan saxeeynaa qalalaadka kajira doorashooyinka”

by admin | Monday, Dec 6, 2021 | 429 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu garowsan yahay muhiimadda ay leedahay in ay qabsoonto doorasho hufan oo xalaal ah laguna wada kalsoonaan karo, si nabad ahna ku dhacda.

Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta shir looga hadlayo arrimaha kala guurka ka furay Muqdisho wuxuu sheegay in ay ka ga go’an tahay in ay saxaan wixii qaladaad ah ee jira sarana u qaadaan hufnaanta iyo habsami u-socodka doorashada.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roible wuxuu sheegay in wadatashiyada ay sameeynayaan uu rajeeynayaan inay uga soo baxaan halka uu marayo hanaanka geedi socodka dalka iyo Arrimaha doorashooyinka.

Warkaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xilli inta badan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Xubnaha Midowga Musharrixiinta ay cabasho ka muujinayeen hanaanka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response