Ra’iisul Wasaare Xamse: Waxaan ku faraxsannahay in culimada Soomaaliyeed nagala qeyb qaataan kacdoonka ka dhanka ah argigixisada facebook sharing button Sharetwitter sharing button Tweetlinkedin sharing button Sharemessenger sharing button Sharewhatsapp sharing buttonemail sharing button

by admin | Saturday, Jan 28, 2023 | 290 views

Ra’iisul Wasaare Xamse: Waxaan ku faraxsannahay in culimada Soomaaliyeed nagala qeyb qaataan kacdoonka ka dhanka ah argigixisada
facebook sharing button Sharetwitter sharing button Tweetlinkedin sharing button Sharemessenger sharing button Sharewhatsapp sharing buttonemail sharing button

Jimco, January, 27, 2023 (HOL) – In ka badan 300 oo culimada Soomaaliyeed ah oo todobaadkii hore shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday inay taageerayaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabab.

Culimada ayaa hadalkaan ku sheegay bayaan ay soo saareen ka dib shir afar maalmood socday oo ay culimada yeesheen, laguna dhisay golaha sare ee culimada.

Waa markii ugu horeysay muddo sanado ah oo ay isugu yimaadaan culumaa’udiin Soomaaliyeed oo ka kala socda qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u cambaareeyaan ficilada Alshabaab.

Isku soo wada duuboo culumada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka dooneysaa in ay kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Kulankan ayaa qeyb ka ah weeraro saddex geesood ah oo ay dowladdu ku qaadeyso Al-Shabaab, kuwaasoo isugu jira howlgalo ciidan iyo kuwo maaliyadeed oo ay u dheer tahay ka hortagga dacaayadaha xagjirka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa markii uu shirka soo xiray wuxuu sheegay bayaanka kasoo baxay culimada in uu wax weyn ka tari doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Wuxuu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay oo uu arko culimo kala duwan oo meel wada fadhiya oo bayaan soo saaraya.

Raysal wasaaruhu waxa uu sheegay in ay la dagaalamayaan Cadow ay Culumaa’udiinka ugu yeereen Khawaarij, uuna ku faraxsan yahay in ay dagaalka kusoo biiraan.

Sheekh Aweys Cabdi oo ka qeyb galay shirka ayaa ku baaqay in la sameeyo kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

“Kuwa ay dilaan oo ay qaraxyo la beegsadaan oo ay gaalo ku sheegaan dhamaantood waa muslimiin, sidaas darteed waa in lala dagaalamo,” ayuu yiri. “Askari kasta oo dila Al-Shabaab ama ay dilaan Shabaab waa shahiid”.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bishii July ee sanadkii hore waday olole militari oo ka dhan ah Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyo beeleed waxa ay ka qabsadeen deegaano iyo tuulooyin dhowr ah, waxaana ay sheegeen in ay dileen in ka badan 2,000 oo ka tirsan Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response