Ra’isalwasaaraha Ingiriiska oo imaneysa Afrika

by admin | Monday, Aug 27, 2018 | 1335 views

Ra’isalwasaarah Dalka Ingiriiska Theresa May,ayaa booqasho ku imaneysa Qaaraddan Afrika markii ugu horreysay inta ay Ra’isalwasaaraha ka tahay dalka UK.

mrs May ayaa sheegtay in ay tahay fursad gaar ah oo ku soo aadday waqti gaar ah islamarkaana ay booqaneyso dalalka ay sida dhow saaxiibka u yihiin ee ku yaalla Afrika.

Booqashadeeda waxaa ay ka billaabi doontaa Talaadada Berri ah Dalka Koofur Afrika,waxaa ay tagi doontaa Nigeria,waxaana ku xiga Dalka Kenya.

Booqashada safarkeeda Kenya ayaa lagu sheegay in ay la xiriirta amniga gaar ahaan in Madaxda dalka Kenya ay kala hadasho Ciidanka Ingiriiska ee Kenya u jooga la dagaallanka AL-shabaab.

Ciidamada Ingiriiska ee jooga Kenya ayaa dowladdaas ka caawiya dagaalka ka dhanka ah AL-shabab ee ka socda gudaha Dalka Kenya iyo gudaha Dalka Soomaaliya.

Madaxda Dalka Nigeria ayey kala hadli doontaa amaanka gaar ahaanna dagaalka ka dhanka ah Ururka Boko Haram ee ka dagaallama dalka Nigeira.

Guud ahaan booqashada May ee Afrika ayaa lagu sheegay in ay ku dooneyso taageerada Waddamada Afrika gaar ahaan qorshaha iyada ay wadato ee ka bixitaanka Ingriiska ee Midowga Europe loona yaqaan Brexite.

Like it? Share it!

Leave A Response