Ra’isalwasaare Kheyre oo ku wajahan Garowe

by admin | Saturday, Jul 28, 2018 | 912 views

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tao Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Safarka Ra’isalwasaaraha ee Garoowe ayaa salka ku haya dhagax dhigga mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degaannada Puntland iyo ka qeybgalka Sanad guurada 20aad ee jirintaanka Maamulka Puntland.

Safarkan oo todobaadyadii la soo dhaafay la hadalhayay ayaa ku soo aadaya iydaa oo Puntland ay ku furanyihiin Colaado dhinaca AL-shabab iyo Maamulka Somaliland ah.

Waa markii ugu horreysay ee uu Ra’isalwasaaraha Soomaaliya booqanayo degaannada Puntland,iyada oo aan la sheegin muddada ay qaadaneyso.

Maamulka Puntland aya aisu diyaarinaya xuska Sanadguurada 20aad ee aas aaska maamulka oo ku beegan 1da Bisha August ee soo socota.

Like it? Share it!

Leave A Response