RASMI: Daawo FIFA Shaacisay Muuqaalka Heesta Koobka Aduunka Will Smith, DJ Nicky Jam & Era Istrefi Oo Ku Wada Jira Iyo Ciyaartoyda Caanka Ah Ee Heestan Kala Soo Muuqday.

by admin | Saturday, Jun 9, 2018 | 1093 views

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa si rasmi ay u shaaciyay muuqaalka heesta koobka aduunka ee  ‘Live It Up’ taas oo ay ka soo wada muuqdeen Will Smith, DJ Nicky Jam iyo waliba fanaanada Era Istrefi, waxayna hadda jamaahiirta kubbada cagta aduunku lix maalmood ka hor koobka aduunka bilaabashadiisa heleen muuqaalka rasmiga ah ee heesta lagu furi doono koobka aduunka ee Russia 2018.

Muuqaalo aad u badan oo kala duwan oo ay qayb ka yihiin ciyaartoyda caanka ah ee koobka aduunka ka soo muuqan doona qaar ka mid ah iyo waliba halyaygii hore ee ree Brazil ee Ronaldinho ayaa muuqaalka lagu qurxiyay heestan qayb ka ah.

Waxa kale oo inta ay heestani socoto lagu soo bandhigay jamaahiirta dhamaan 32 ka xul qaran ee koobka aduunka ka qayb galaya, waxaana dhextaal sidoo kale looga dhigay goobaha quruxda badan ee ay ciyaraaha koobka aduunku ka dhici doonaanoo uu ka mid yahay garoonka Luzhniki Stadium.

Ronaldinho oo koobkii aduunkii 2002 xulka qarankiisa Brazil kula guulaystay ayaa inta ay heestani socoto soo bandhigaya xirfadiisii caanka ahayd ee kubbada cagta isaga oo muujiyay in ayna wali ka dhamaan oo ii xirfadiisa sii hayo.

Muddada bisha ah ee soo socota waxaa Russia si wayn looga dareemi doonaa heesta ‘Live It Up’ taas oo noqon doonta astaanta koobka aduunka ee Russia 2018 waxaana sidoo kale laga dareemi doonaa guud ahan caalambka iyada oo June 14,2018 uu si rasmi ah u furmi doono koobka aduunku.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka rasmiga ah ee heesta Koobka aduunka Ee Ay FIFA Shaacisay lix maalmood ka hor bilawga koobka aduunka ee Russia 2018:

Like it? Share it!

Leave A Response