Real Madrid Oo Ku Biirtay Tartanka Ay Kooxaha Man. United, Chelsea Iyo Juvenuts Ugu Jiraan Ramsey Iyo Bale Oo Ku Qasbaya Los Blancos

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 987 views

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Arsenal ee Aaron Ramsey oo uu dhamaanayo qandaraaskiisa Gunners marka uu dhamaado xili ciyaareedku.

Wada-hadallo u socday Arsenal iyo Ramsey oo lagu doonayey inuu qandaraas cusub u saxeexo ayaa la sheegay inay burbureen kaddib markii laysla af-garan waayey qodobbo la xidhiidha mushaharka uu qaadan doono iyo wakhtiga uu kusii sugnaan doono,waxaanay taasi albaabada u furtay kooxaha Juventus, Chelsea iyo Manchester United oo ay xagga dambe kaga soo biirtay Real Madrid.

Xiddiga reer Wales ayaa waxa la wariyey in Real Madrid uu ku qasbayo Gareth Bale oo doonaya in loogu keeno Bernabeu, isla markaana uu ka garab ciyaaro Luka Modric iyo Toni Kroos.

Xiddigii hore ee horyaalka Premier League ee Jermaine Jenas ayaa aaminsan in taageereyaasha Arsenal aanay ka walaacsanayn bixitaanka Ramsey iyo inuu koox weyn oo kale ku biiro.

“Haddii aan ahaan lahaa taageere Arsenal ah, maba ihiye, warwar imay geliseen haddii aan runta sheego. Ciyaartoygu wuxuu doonayaa lacag badan, waana sababta uu uga tegayo markii dalabkiisa layska dhigay.” Sidaas ayuu yidhi Jenas oo caddeeyey in waxa ay Arsenal iyo Ramsey isku diiddan yihiin ay tahay lacag.

“Shaki kuma jiro in Aaron Ramsey uu yahay ciyaartoy sare, wuxuuna u ciyaari doonaa koox weyn sida aan dareemayo, sababtoo ah wuxuu leeyahay tayadeedii. Mararka qaarkood, waxa dhici karta in tayadiisa ciyaareed aanu la dhicin tababaruhu, laakiin taas kamaynu arag (Arsenal), sababtoo ah wuxuu u dhaliyaa 20 gool xili ciyaareedkii.” Ayuu mar kale yidhi Jenas.

Ramsey ayaa bisha January wada-hadallo la geli kara kooxda uu doonayo oo uu si xor ah ugu biiri doono June marka uu furmo suuqa iibku.

Like it? Share it!

Leave A Response