Real Madrid Oo War Kasoo Saartay Dhaawaca Karim Benzema Iyo Rajada Laga Qabo Inuu Safan Doono Ciyaarta Barcelona Oo Sii Yaraanaysa

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 1022 views

Real Madrid ayaa war kasoo saartay xaaladda dhaawac weeraryahanka reer France ee Karim Benzema oo wax ku noqday ciyaartii guul-darradu kasoo gaadhay ee Alaves ay martida ugu noqdeen Sabtidii.

Karim Benzema ayaa garoonka laga saaray markii ay dhamaatay qaybtii hore, kaddib dhaawac muruqa ah oo haleelay, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan mudddo laba toddobaad ah oo uu ku qaadan doono qolka daaweynta ee kooxdiisa.

War-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in baadhitaano lagu sameeyey Karim Benzema lagu ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruqa lugta midig, laakiin waqtiga uu kusoo kaban karayo dib laga soo sheegi doono.

“Anaga oo tixraacayna baadhitaano lagu sameeyey ciyaartoygayaga Karim Benzema oo ay sameeyeen kooxda caafimaadka ee Real Madrid Sanitas, waxa lagu ogaaday inuu dhaawac ka qabo muruga lugta midig. Xaaladdiisa soo kabashada waa la qiimayn doonaa.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka kooxda.

Real Madrid oo ay hore uga dhaawacnaayeen Marcelo, Isco iyo Dani Carvajal ayaa waxa warka cusub ee Benzema uu kasii dari doonaa xaaladda xun ee ay ku jiraan, iyadoo ay kusoo fool leeyihiin laba ciyaarood oo Levante iyo Barcelona ay la ciyaari doonaan bishan gudaheeda.

Sii Akhri:  Karim Benzema Oo Aaminsan In Kooxdiisa Real Madrid Ay Markii Afraad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysan Karto Champions league Iyada Oo Cristiano Ronaldo Ka Maqan Yahay.
Benzema oo la tibaaxay inuu laba toddobaad qaadan doono dhaawaciisu, ayaan la ogeyn inuu fursad u heli doono kulanka Barcelona ee garoonka Camp Nou oo 28-ka bishan October qabsoomi doona.

Like it? Share it!

Leave A Response