Reik Machar oo cabsi ammaan darteed u diiday inuu booqdo magaalada Jubba,

by admin | Tuesday, Sep 25, 2018 | 1083 views

Hoggaamiyaha Mucaaradka Koofurta Sudan ayaa iska diiday inuu booqdo magaalada Jubba, kaddib markii Madaxweyne Salva Kiir uu martiqaad u fidiyay.

Reik Machar oo ku sugan magaalada Khartoum ayaa sheegay in jawiga magaalada Jubba aanay xilligan u saamaxeyn inay booqasho ku tagaan xubnaha Mucaaradka, isagoo ugala jeeday ammaanka.

Waxaa uu qiray inuu ka walaacsan yahay ammaanka, isagoo tilmaamay in haddii la fulinayo heshiiska ay marka hore baahi badan ka jirto gudaha Jubba iyo goobaha ku dhow dhow oo ay dowladda iyo mucaaradka gacanta ku hayaan

Reik Machar ayaa sheegay inuu Madaxweyne Kiir uu ka dalbaday in marka hore uu sii daayo maxaabiista dagaalka, marka xigtana maxaabiista siyaasadda u xiran iyo dadka kale, isagoo xusay inuu rajeynayo inuu tallaabadaas qaadi doono Madaxweyne Kiir.

Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in dhamaan maxaabiista laga sii daayay xabsiga bishii December.

Heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdaan dowladda iyo Mucaaradka ayaa la filayaa inuu soo afjaro dagaal sokeeye oo ka socdan Suudaanta Koofureed tan iyo dhamaadkii sanadkii 2013, waxaana heshiiskaas kor ka eegaya Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD

 

Like it? Share it!

Leave A Response