Roob Baraf wata oo ka da’ay Gabiley

by admin | Monday, Aug 27, 2018 | 1073 views

Magaalada Gabiley ee Maamulka Somaliland waxaa shalay gelinkii dambe ka da’ay Roob Baraf watay,kaas oo ay cabasho ka muujiyeen dadka Magaalada.

Roobka ayaa aad ugu hooray Gabiley ,waxaana uu biyo badan dhigay bartamaha Magaalada, Dadka Magaalada ayaa ka cabanaya Dooxa Biyaha maraan oo meelaha qaar ku dhow in uu Guryaha Dumiyo.

Daadka ka dhashay Roobkaas ayaa dhex ceegaaga Magaalada,waxaana sawirro laga qaaday ay muujinayaan dadka degaanka oo isku dayaya in ay ka badbaadaan kana hortagaan in Biyaha badan ee Daadka galaan guryahooda.

Roobka Barafka wata ayaa ku cusub dhulka Soomaalida,waxaana arrintan lala xiriirinayaa isbeddelka dhinaca Cimillada ee uu hadda ku jiro Caalamka.

Like it? Share it!

Leave A Response