Rooble oo Amray NISA iyo booliiska in aysan dad safraya ku xayirin Garoonka

by admin | Thursday, Jul 22, 2021 | 281 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in ay jiraan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad loo diiday in ay u dhoofaan gobolka Gedo, isaga oo ku amray hay’adda Nabad-sugidda ee NISA iyo ciidamada boolisku in aysan qofna ka celin karin halka ay u dhoofayaan.
“Waxaan farayaa hay’adaha amniga booliiska iyo NISA, warar badan baa isoo gaaraya oo ah in dad laga celiyay meelo kala duwan. Uma dulqaadan dooni, qofkii uu falkaasi ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa,” ayuu yiri Rooble oo aan sharrixin waxa ay noqonayaan tallaabooyinka laga qaadayo.

“Muwaadinka lagama celin karo airport-ka. Diyaaradna lagama celin karo ka baxaysa Muqdisho oo tagayso Garbahaarey. Diyaarad Garbahaarey ka baxaysa oo Kismaaya tageysana lama celin karo, iyo mid Kismaayo ka tageysa oo Xamar ama Garbahaarey u socoto,” ayuu yiri. “Waa xaq Dastuuri ah cid is hortaagi kartana ma jirto.”
Waxa kale oo uu sheegay in muwaadinku uu xaq u leeyahay in uu u safri karo meeshii uu doono, aysanna aheyn in xaqqiisa lagu xadgudbo. “Muwaadinka musharraxa ah wuxuu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa muwaadinimo iyo fikirkiisa, uuna magaalada uu doona ka safro, una sufro halkii uu rabo.”
Hadalkan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu daba socdaa kadib markii siyaasiyiin kasoo jeeda Gobolka Gedo ay sheegeen in lagu xayiran Garoonka Aadan-Cadde loona diiday inay u dhoofaan Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response