Roobow iyo musharraxiin kale oo soo saaray go’aan xasaasi ah oo 13 qodob ka kooban{Akhriso}

by admin | Saturday, Dec 8, 2018 | 702 views

Saddex ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal 13 qodob ka kooban oo ku saabsan xaaladda maamulkaas iyo doorashada la filayo inay dhacdo.

Musharaxiintan oo kala ah Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo Ibraahim Macallin Nuur ayaa ku dhawaaqay in ku-simihii madaxweynaha ee maamulkaas, Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa uu ka dhacay xiligii KMG ahaa ee uu xilka haye.

“Laga-bilaabo sideeda December maamulka Koonfur Galbeed waxa uu galayaa xasarad dastuuri ah, islamarkaana ku-simaha madaxweynaha sifo sharci ah xilka kuma hayo” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay ku baaqeen in deg deg loo magacaabo gole sii maamula maamulka Koonfur Galbeed inta madaxweyne cusub laga soo dooranayo.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in magaalada Baydhabo laga wado falal amni-darro iyo shirqoolo lagu beegsanayo siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah musharaxiinta.

Saddexda musharax oo ku mideysan golaha is-beddel doonka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaliya inay joojiso “Faro-gelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha maamulka Koonfur Galbeed:”

Like it? Share it!

Leave A Response