RW. Kheyre oo Amray in AMISOM laga soo saaro Garoonka ugu weyn ee dalka{AKHRISO:}

by admin | Saturday, Jul 28, 2018 | 1013 views

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay Barnaamijka Bandhigga Baahida ciyaaraha dalka, ayaa khudbad uu u jeediyay kummannaan ruux oo isugu soo baxay garoonka Wiish, degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir, waxa uu uga hadlay horumarinta waxbarashada iyo ciyaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa sheegay in ay aqoonyahannadii iyo dhammaan masuuliyiintii isku hawlay horumarinta waxbarashada dalka xilliyadii ay adkayd in lagu dhiirrado fulinta barnaamijyo bulshada lagu horumarinayo, in dawladdu aqoonsantahay ayna ku leeyihiin sharaf iyo abaal, hase yeeshee wali loo baahanyahay in la tayeeyo waxbarashada dalka.

“Cid waliba oo kasoo shaqeysay waxbarashada Soomaaliyeed waqtigii ay ugu dhibka badneyd waxa aan u haynaa sharaf iyo abaal, dalkiinana wax aad ku leedihiin karaamo, kuwa shahaadooyinka kasoo qaatay iyo kuwa hadda dhiganayana waxa aan idiin sheegeynaa in dawladiinu idin aqoonsantahay hase yeeshee xukuummadda, wasaaradda waxbarashada iyo jaamacadaha waxaa laga doonayaa in ay sii horumariyaan tayada waxbarashada waddanka si aan ula tartanno dunida inteeda kale”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa adkeeyay dawrka ciyaaruhu ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo soo celinta kalsoonida dhallinyarada, isaga oo sheegay in xukuummaddu ay bahda ciyaaraha dalka siineyso xushmadda ay mudanyihiin.

“Waxa aan aaminsanahay in Ciyaaruhu yihiin sida kaliya ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku dareemi karaan in ay qayb ka yihiin Bulshadooda. Waxa aan ka shaqeyneynaa in madaxda dalku idin siiyaan ixtiraamka aad xaqqa u leeyihiin. Marka aad safar dibadda u aadaan, safiirradu waxa ay ku amranyihiin in ay idiin soo dhaweeyaan sida madaxweynaha loosoo dhaweeyo oo garoonka diyaaradaha ay idiin istaagaan”, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u sheegay ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay muhiimmadda ay leedahay soo celinta iyo dib u dhiska goobaha ciyaaraha gaar ahaan garoomada waaweyn ee kubbadda cagta sida garoonka ciyaaraha Muqdisho oo fariisin u ah ciidanka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM).

“Garoonka ugu weyn ee dalkaani lahaa waa Muqdisho, waxa aan wasiirka hortiina ugu sheegayaa in garoonkaas si dhaqsa ah gacantiinna loo soo geliyo. Waxa aan codsannay ciidamada ku jira in laga saaro, la dhiso, wasaaradda gacanteedana lasoo geliyo”, ayuu u sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre ku yiri kumanaanka ruux ee ka qayb galay barnaamijka baahida ciyaaraha.

Like it? Share it!

Leave A Response