RW Kheyre” Waxaa Muuqata Horumar weyn”

by admin | Saturday, Aug 18, 2018 | 843 views

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlaayay xeritaanka barnaamijka bandhiga carwada buugaagta ee Muqdisho ayaa sheegay in amniga ka jira caasimada ay sahashay in dad ajaaniib ah ay ku soo dhiiradaan in ay yimaadaan Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay Ra’isal Wasaaraha in isbadal weyn oo dhanka amniga ah uu ka jiro Muqdisho sidaasi darteedna ay hada muqdisho ku sugan yihiin dad ka yimid dalalka Yurub.

Waxa uu kaga mahad celiyay dadka ajaaniibta ah iyo kuwa qurba joogta ee sida joogtada ah u imaanaya muqdisho kana qeyb qaadanaya hormarinta caasimada.

Ra’isal Wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin shacabka gacantana ay ku soo dhigaan cid walbo oo amni daro ka shaqeyneysa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaadkii bishii July ee sanadkan isbedel cusub ku sameysay talisyada Booliska, Nabad suggida iyo Taliska guud ee ciidamada Taraafikada, taasi oo qasabtay in la baabi’iyo Taliskii NISA ee gobolka Banaadir, iyada oo looga gol leeyahay sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.

 

Like it? Share it!

Leave A Response