RW Xamsa & Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan gaar ah yeeshay

by admin | Tuesday, Jun 28, 2022 | 365 views

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo todobaadkaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay codka kalsoonida siiyeen.

Madaxweyne laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha in uu helay kalsoonida Golaha Shacabka, una rajeeyay in Eebbe la garab galo waajibaadka qaran ee hor yaalla.

labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee xilligaan dalka, sida Amniga, Abaaraha iyo sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeyn dhexmarta Dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada kajira dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed booqashada uu ugu yimid, isaga oo balan qaaday in dhammaan dowlad Goboleedyada uu wadashaqeyn dhow la yeelan doono.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ayaa kujira diyaar garoowgii ugu dambeeyay ee ku aadan soo Magacaabista Xubnihiisa Golaha Wasiirada, isaga oo kulamo kala duwan la qaadanaya saamileyda Siyaasadeed ee dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response