RW Xamsa oo soo saaray Amar ku socda Wasiirada Cusub{AKHRISO}

by admin | Thursday, Aug 11, 2022 | 441 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa faray Xubnaha Wasiirada Cusub in aanay sameyn karin magacaabis iyo is bedel Mas’uuliyiinta hey’addaha ay madaxda ka yihiin, ayna waafajiyaan sharciga, isla markaana la tashi kala yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la faray dhammaan Golaha Wasiirada inay ilaaliyaan sharciga u yalla dalka &  Dastuurka markii ay gudanayaan waajibaadkooda Shaqo.

In laga reebay Golaha Wasiirada magacaabis iyo shaqa ka joojin saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga Shaqaalaha rayidka dowladda.

Ugu dambeyn Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu amray in ka hor in aanay sameyn magacaabis xilka qaadis ama kala bedel Shaqaale Hay’adaha ay madaxda ka yihiin inay waafajiyaan sharciga, Isla markaana wadatashi kala yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha.

Amarkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socda kadib markii Inta badan Wasiirada marka ay xilka la wareegaan ay dhici jirtay inay shaqada ka joojiyaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda, sida Agaasimayaasha, taasoo ka dhalan jirtay habacsanaan shaqo iyo is qabqabsi.

Like it? Share it!

Leave A Response