Saadaal Macquul Ah Mooshinka Jawaari Seefta Ma Dafi Doonta Mase Wuu Ka Badbaadaya

by admin | Monday, Mar 26, 2018 | 1180 views

Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa hadda waxaa ka yaalla mooshin adag misane xasaasi ah.
Mooshinkaan ayaa loo ballansan yahay in codka la geliyo Sabtida soo aaddan, iyadoo arrintaasina aad u eegayaan Soomaalida iyo beesha caalamka intaba.
Hadaba baritaan hoose oo aan sameennay ayaa ku eegnay qodobo suurtagal ka dhigi karta in Jawaari ay dafto seefta mooshinka, kuwaasi oo kala ah:
Jawaari oo ololihiisa aad uga yar yahay midka ay waddo xukuumadda
Xildhibannada tageersan Jawaari oo ay badi yihiin xubnaha mucaaradka
Lacagaha lagu difaaci lahaa mooshinka oo Jawaari la sheegay in bixinteedu aanay daacad ka ahayn
Qodobadan ayaa suurtagal ka dhigi karto in Jawaari uu noqdo guddoomiyahii hore ee golaha shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response