Sababaha Wasiirrada Ra’isul wasaare Kheyre Ay Shaqada Uga Tageen {Warbixin:}

by admin | Friday, Jul 27, 2018 | 1036 views

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tan iyo markii xukuumadda uu soo magacaabey 21-kii March sanadkii hore, waxaa wasiirradiisa sababo kala duwan uga tagay kalabbar, sidaas ay tahay wasiirrada kuma tagin howl gudasho la’aan, si shaqada loo hagaajiyo ama xataa dadka iyaga ka fiican loo keenno, intooda badan waxaa ay ku baxeen khilaafaad kala dhaxeeya wasriirka 1aad ama bulshada rayidka ah.

Haddaba Akhriso, Sababaha Ay Wasiirrada Kheyre Kala-ubar U Tageen.

Feb 23, 2017: Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ra’isul wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo ka tirsanaa milkiilayaasha Soma Oil and Gas.

March 21, 2017: Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay 68 wasiir, 8 ayaa haween ahaa, waxaa kale oo ku jiray 15 wasiiru dowle, 26 wasiir, 26 ku-xigeen, wasiiradaas 42 Xildhibaanno ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response