Sababta hortaagan’ magacaabista R/W cusub{Warbixin: ‘}

by admin | Monday, Aug 10, 2020 | 539 views

madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inta uusan soo magacaabin Ra’iisul wasaare cusub waxa uu qaadayaa tallaabooyin dhowr ah, oo la rumeysan yahay inay hortaagan yihiin magacaabista.

Xil ka xayuubintii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kadib xukuumadda xil-gaarsiintu waxay qaaday dhowr tallaabo oo sharci darro lagu tilmaamay, kuwaas oo madaxweynaha uu doonayo in la meel-mariyo inta aanu ra’iisul wasaare cusub iman, waxaana ka mid ah.

1 – Dhismaha guddiga adeegga garsoorka oo lagu biiriyey shan xubnood oo banaanka ka imaanaya, taas oo ka dhigan in madaxweyne Farmaajo uu qaaday tallaabo uu ku dhisayo maxkamad dastuuri ah oo xal ka gaari karta hadii khilaaf ka dhasha doorashada soo socota.

2 –Xukuumadda xil-gaarsiintu waxay ansixisay xubnaha maamulaya hey’adda Batroolka Soomaaliya, taasina waxay meesha ka saareysaa awoodii xukuumadda lasoo magacaabi doono ay u yeelan laheyd in dowlad goboleedyada ay gor-gortan kala gasho hanaanka qeybsiga kheyraadka dalka.

Qodobka 3–aad waa in baarlamaanku uu isku diyaarinayo in maalmaha soo socoda uu go’aan ka gaaro labada nooc doorasho ee guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinku uu soo bandhigay kan la qaadanayo, go’aanka baarlamaanku hadii uu ka soo hor maro magacaabista Ra’iisul wasaarahana waxay meesha ka saareysaa in xukuumadda cusub ay aragti ku yeelato doorashooyinka dalka.

Prof. Xasan Sheekh Cali waxa uu qabaa in dib u dhigista soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqo ay salka ku heyso ka gun-gaaridda dhaqan galka qodobadan, isaga oo ka digtoon inay isku qabtaan shakhsiga uu soo magacaabi doono.

Prof. Xasan Sheekh waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan ra’iisul wasaare raadineyn ee isagu uu is raadinayo.

“Madaxweyne Farmaajo culeyska ugu badan waxa uu kala kulmayaa ra’iisul wasaaraha uu raadinaayo ma jiree, isaga ayaa is raadinaaya, arintaasna waa ku adkaa doontaa, sababtoo ah seddax sano iyo barkii lasoo dhaafay Kheyre ma aheyn ninkii fashilmaye, isaga ayaa fashilmay” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh xilli uu la hadlayey TV-ga Dalsan.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Laba ayey mid noqoneysaa, 1- in Farmaajo uu isagu isi-soo helo, oo markii uu isasoo helo uu waxba qaban waayo, ileen ma qaban karee, 2- iyo in uu soo helo ra’iisul wasaare karti leh oo qaban kara howlaha hor yaalla, taasna waa meesha uu ka casi qabo oo waxuu ku dambeyn doonaa in 7-daqiiqo lagu buriyo.”

Ugu dambeyntii Prof. Xasan Sheekh waxa uu qabaa in madaxweyne Farmaajo ay heysato laba daran mid dooro oo hadii isagu is keeno iskuma filna, hadii ra’iisul wasaare karti leh uu keenana uu isagu burin doono. Sababtana waxa uu u tiiriyey in seddax sano iyo barkii lasoo dhaafay guulihii dadka Soomaaliyeed loo sheegayey ay ahaayeen kuwo been ah.

Like it? Share it!

Leave A Response