Sababta taageerida Axmed QOOR QOOR iyo qorshaha Mareykanka ee Soomaaliya

by admin | Sunday, Feb 9, 2020 | 624 views

Go’aankii uu safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ku taageeray doorashadii muranka dhalisay ee Axmed Cabdi Qoor Qoor loogu doortay hoggaanka maamulka Galmudug, ee garabka taageersan dowladda, ayaa dhaliyey carro xooggan.

Yamamoto ayaa waxyar un kadib doorashada qoraal uu soo saaray, oo uu ugu hambalyeeyey Qoor Qoor, ku yiri “Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha.”

Cabdalla Ibraahim oo ah agaasimaha Xarunta Daraasaadka iyo Istaraatiijiadda Bariga Afrika ayaa sheegay in Mareykanka uu Soomaaliya ka leeyahay hal hadaf, islamarkaana uu doonayo inuu ku guuleysto, sidii ay doontaba ha ku timaado’e.

“Mowqifka Mareykanka waa sidii ay isugu keeni lahaayeen maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ah, waxayna sameynayaan sidii ay taas ku dhici lahayd, ha noqoto doorashooyin fowdo wata ama awood ciidan. Wax macno uma lahan hanaanka, ee waxaa u leh natiijada,” ayuu yiri Cabdalla Ibraahim.

Cabdalla ayaa sheegay in caalamka uu qaati ka taagan siyaasadda cakiran ee Soomaaliya, taasna ay keeni karo in hab kasta xal lagu raadiyo.

“Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwa deriska la ah waxay quus ka taagan yihiin siyaasadda Soomaaliya. Dhibaatada Soomaaliya waa mid dastuuri ah, ee ma ahan Al-Shabaab iyo qabyaalad. Haddii ay isku tagaan, masii jiri doono qaskan,” ayuu yiri Cabdalla.

Cabdalla ayaa in siyaasadda Soomaaliya jahwareersan tahay tusaale ugu soo qootay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta diidan doorashada Qoor Qoor ee sharci-darrada ku sheegay ay yihiin isla kuwii u sacaba tumay doorashadii Axmed Madoobe.

Kadib carradii ka dhalatay taageeradii Qoor Qoor, safaaradda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal u muuqday dejin kuna baaqay midnimada iyo dib-u-heshiisinta Soomaalida.

Like it? Share it!

Leave A Response