Sacuudi Carabiya oo maanta laga daawanayo filimka Black Panther

by admin | Saturday, Apr 21, 2018 | 1027 views

Waxaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda in dalka Sacuudi Carabiya laga daawado filimkii ugu horeeyay oo laga baahiyo goob fagaare ah ku dhawaad 40 sano.

Kumanaan qof oo dhashay dalka Sacuudiga ayaa lagu waddaa in ka qeyb galaan daawashada filimkaasi.

Sanadkii lasoo dhaafay ayaa Xayiraada saarneyd shineemooyinka laga qaaday oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda, laakiin hadda sababo dhaqaalle loo sameeyay.

Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi.

Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga iibsaday online ka hor dhowr daqiiqo .

Isbaddeladan ayaa waxaa loogu talogalay inay gacan ka geystaan in dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay shineemooyin u soo daawadaan.

Like it? Share it!

Leave A Response