Sacuudiga iyo ISRAEL oo yeeshay kulan qarsoodi ah oo lagu gaaray heshiis culus

by admin | Tuesday, Jun 28, 2022 | 323 views

 Saraakiil militari oo sare oo ka kala socda Israel iyo Sacuudi Carabiya ayaa yeeshay wada-hadallo qarsoodi ah oo uu Mareykanka soo agaasimay, si ay uga wada-hadlaan iskaashi difaac oo ka dhan ah Iran.

Wufuud ka kala socota Riyadh, Qatar, Imaaraadka Carabta, Bahrain, Jordan iyo Masar ayaa madaxa ciidamada Israel kula kulmay magaalada Sharma el-Shaikh bishii March, sida uu Isniintii kashifay wargeyska the Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah iyo kuwo ku sugan gobolka. 

Mareykanka ayaa waxaa matalayey Jeneraal Frank McKenzie, taliyihii hore ee Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, kaasi oo mas’uuliyaddiisa uu ballaariyey madaxweyne Trump kuna soo daray Israel.

Kulankan aan caadiga aheyn ayaa asteeyey markii ugu horreysay ee saraakiil Israeli ah ay la kulmaan xubno ka socda dhowr dal oo Carab ah, ayada oo ujeedka uu yahay inay ka hortagaan halista ay wadaagaan ee ah awoodda sii kordheysa ee gantaallada iyo diyaaradaha drone-ka Iran.

Israel wax xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama lahan Qatar iyo Sacuudi Carabiya, oo ah dalalka ugu saameynta badan siyaasadda gobolka.

Intii uu xukunka hayey madaxweyne Trump, Israel ayaa dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain, Morocco iyo Sudan la saxiixatay heshiiska Abraham oo lagu aas-aasay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ay yeesheen dalalkaas. 

Kulan madaxeedka Sharm el-Sheikh ayaa u muuqda inuu ka dhigan yahay tallaabo weyn oo loo qaaday xiriir rasmi ah oo ay yeeshaan Israel iyo Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu booqdo Israel iyo Sacuudi Carabiya bartamaha July, markaasi oo la filayo inuu ku dhowaaqo tallaabooyin dheeraad oo la xiriira xiriirka labada dal ee ugu awoodda badan Bariga Dhexe.

Heshiis lasoo jeediyey ayaa la rumeysan yahay inay ku jirto in diyaaradaha ganacsiga Israel loo ogolaado hawada boqortooyada, iyo in Israel ay ansixiso qorshe ay Masar dib ugu wareejineyso Sacuudiga laba jasiirad oo muhiim ah oo ku yaalla Badda Cas.

Dalalka Carabta ayaa u muuqda inay aad u daneynayaan inay helaan taknoolajiyadda horumarsan ee gantaallada difaaca hawada ee Israel, kadib weeraro dhowr ah oo loo adeegsaday diyaarado drone ah oo lagu qaaday xarumo ku yaalla Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kuwaasi oo lagu tuhmayo Iran.

Weerarkii ugu cuslaa oo ay sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto, ayaa lala helay xarumaha shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco bishii September 2019, taasi oo hakisay 5% wax soo-saarka shidaalka caalamka.

Ka qeyb-galayaasha kulan madaxeedka Sharm el-Sheikh ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan isku raaceen nidaam bixinaya wergelin deg deg marka halis ay soo muuqato iyo hanaan go’aan qaadasho oo ciidamada dalalka ay dhexda uga qabanayaan diyaaradaha drone-ka, gantaallada ballistic iyo kuwa kuruuska.

Afhayeenada Israel iyo dalalkan Carbeed ayaa diiday inay wax faallo ah ka bixiyaan kulan madaxeedka. Isaga oo la hadlayey xubnaha Knesset-ka (baarlamanka) Israel, ayaa wasiirka difaaca Israel Benny Gantz wuxuu sheegay in wax uu ugu yeeray “Isbaheysiga Difaaca Hawada ee Bariga Dhexe” uu goor horeba shaqeynayo.

Like it? Share it!

Leave A Response