Sacuudiga oo kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya

by admin | Monday, Jan 14, 2019 | 1081 views

Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya.

Amiir Turki al-Faisal ayaa u sheegay warbaahinta  in tallaabadani ay yeelan doonto saamayn taban, taas oo uu sheegay in ay fursad siin doonto Iran, Ruushka iyo xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii December in la gaaray xilligii ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya ay dalkooda kusoo laaban lahaayeen.

Amiir Faisal ayaa hadalkan jeediyey in yar uun kahor markii Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu socdaal ku tagay Riyadh.

Mr Pompeo ayaa socdaal kumaraya Bariga Dhexe, wuxuuna goor horeba booqday dalalka Ciraaq, Urdun, Masar iyo Bahrain.

Waxa uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb kutahay in ay dhabarka u jeediyaan shacab Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso.

Amiirka ayaa intaas ku daray in iscasilaaddii wasiirkii difaaca Maraykanka James Mattis ee bishii December ay ayduna tahay mid xaaladda uga sii daraysa

Like it? Share it!

Leave A Response