Sacuudiga: Soomaali u geeriyooday dabaq uu iska soo tuuray

by admin | Saturday, Jan 19, 2019 | 849 views

Saraakiisha ammaanka Boqortooyada Sacuudiga ayaa warbaahinta la wadaagay heybta nin u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dhismo afar dabaq ah oo uu iska soo tuuray, waxa ayna sheegeen in uu ninkaasi uu ahaa Soomaali hase ahaatee ka shaqeysan jiray dalkaasi Sacuudiga.

Booliska ayaa sheegay in meydka ninkaan Soomaaliga ah ay arkeyn muwaadiniin u dhashay Sacuudiga deetana ay sidaasi Booliska ku wargelineen hase ahaatee ay u imadeen ninkaani oo nafta ka baxday.

Falkaani naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay Xaafad ku taalla degmada Samar ee bartamaha Magaalada Jiddah halkaasi oo Soomaali badan ay ka shaqeystaan.

Waxa ay sheegeen in ilaa iyo haatan ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan sababta ku kaliftay in ninkaani uu dabaqa iska soo tuuro, iyagoo shaki geliyay in suurta gal ay tahay in ninkaani oogada sare ee dabaqa laga soo tuuray.

Boolisku ma aynan sheegin xog faahfaahsan oo ku saabsan shaksigaan geeriyooday ee Soomaaliga in uu yahay ay ku sheegeen, waxa ayse sheegeen in ay dib kala soo socodsiin doonaan warbaahinta wixii baaritaankooda kaga soo baxa.

Like it? Share it!

Leave A Response