Sadex arin oo sababtay in farmaajo uu ka maarmo Reer Galbeedka oo la ogaaday

by admin | Tuesday, Feb 5, 2019 | 798 views

Wargeyska African Intelligence ayaa warbixin uu qoray kaga hadlay khilaaf ka dhex-taagan dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ku saabsan habka dowladeed ee Soomaaliya.

Wargeyska ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo iyo beesha caalamka ay isku fahmi la’yihiin madaxweynaha oo rumeysan dowlad dhexe oo awood badan, halka ayaguna ay doonayaan in sare loo sii qaado nidmaamka federaalka ee dowlad goboleedyada ay awoodda leeyihiin.

Sida warbixinta wargeyska lagu sheegay, dowladda federaalka ayaa lacag badan ku bixisa sidii ay uga adkaan lahayd madaxda dowlad goboleedyada, sababto ah waxay doonayaan inay awoodooda soo xajistaan, waxayna kasoo horjeedaan nidaam dowladda dhexe ay awood leedahay.

Si kastaba, wargeyska waxa uu sheegay in Farmaajo uusan walaac ka qabin aragtida dalalka caalamka badankood, gaar ahaan kuwa reer Yurub, dhowr sabab dartood.

“Dib ula saaxiibka Eritrea iyo Ethiopia ayaa ka dhaadhicisay Farmaajo inuu noqon karo mid ka maarma saaxiibadiisa caalamka” ayey tiri warbiixnta.

“Sidoo kale Farmaajo waxa uu rumeysan yahay inuu haysto taageerada shuruud la’aanta ah ee Washington iyo taageerada maaliyadeed ee dowladda Qatar.”

Saddexdaas qodob, ayaa ku dhiiri-gelineysa Farmaajo inuu iska fogeeyo QM iyo dalalka reer galbeedka, ayay tiri warbixinta.

Like it? Share it!

Leave A Response