Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi oo lagu furay laba dacwad oo xasaasi ah

by admin | Sunday, Sep 15, 2019 | 591 views

Shirkad qandaraasle Kenyan ah ayaa ku eedeeysay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi inay xabistay kadibna jir-dishay shaqaale loo diray si uu ugu gudbiyo gal-dacwadeedka kiis ka dhan ah safaaradda oo laga furay maxkamadda Milindi ee Nairobi.

Amos Mutambu ayaa sheegay in loo diiday inuu safaaradda ka baxo waxyar kadib markii uu geeyey galka.

Amos ayaa eedeynta ku sheegay kiis ka dhan ah safaaradda oo uu geeyey maxkamadda, sidoo kale-na loo diray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma, 4-tii September.

Amos ayaa waxaa soo dirtay shirkadda qareenada ee HMS, si uu safaaradda u geeyo gal-dacwadeedka kiis u dhaxeeya safaaradda iyo shirkad dhismaha qaabilsan, kaasi oo ku saabsan dayactir ay shirkaddan sheegtay inay ku sameysay dhisme ay safaaradda ku leedahay Nairobi.

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa la sheegay inay kulan arrintan ku saabsan la yeelatay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya, waxaana wasiirka arrimaha dibedda Monica Juma ay jimcihii sheegtay in laga yaabo in qofkii loo diray safaaradda “uu hab qaldan u adeegsaday inuu gal-dacwadeedka gaarsiiyo safaaradda.”

“Waan ogaan doonnaa waxa dhacay” ayey Monica ku tiri shir jaraa’id.

Safiirka Soomaaliya ee Nairobi Maxamed Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey inay qof ku dhex xirteen safaaradda, wuxuuna wargeyska The East African u sheegay in tani ay tahay been cad.

“Ma jirin wax xabisaad ah, mana lihin qolal aan wax ku xabisno. Waxaan filayaa inay ka faa’iideysanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya si ay noo qiyaamaan.”ayuu yiri Tarsan.

Muranka la xiriira dayactirka ayaa u dhaxeeya safaaradda iyo shirkadda Kingsley Construction Ltd oo safaaradda ku eedeysay inay ku leedahay lacag dhan $226,318 (Ksh23.4 million) oo ay ku dayactirta dhisme kale oo safaaradda ay ku leedahay xaafadda Lower Kabete.

Agaasimaha shirkaddan Everlyne Mutungi ayaa ku doodday safaaradda inay ka cayrisay mashruuca islamarkaana ay damacsan tahay inay qandaraaska ku wareejiso shirkad kale si ay u dhameyso 20% oo ka dhiman dhameystirka.

Dowladda Soomaaliya weli ma diiwaan gelin jawaabta dacwadda ay kusoo oogtay shirkadda Kingsley Construction Ltd, waxayna sheegtay in jawaab kasta ay marsiin doonto wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Garsooraha maxkamadda Mary Kasango ayaa soo saaray amar ku-meel gaar ah oo safaaradda ama cid kasta oo matasha u diidaya inay wax howlo dayactir ah ka fuliso dhismaha ku yaalla Lower Kabete, illaa kiiskan meel uu uga dhacayo.

Like it? Share it!

Leave A Response