Safiirkii dowladda Sudan u fadhiyay Soomaaliya oo la sagootiyay

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 958 views

Waxaa Magaalada Muqdisho kulan sagootin ah loogu sameeyay Safiirkii Dowladda Sudan u fadhiyay Soomaaliya Maxamed yuusuf ibraahim, kaasoo muddo ku sugnaa Soomaaliya waxaana sagootinta ka qaybgalay Mudanayaal katirsan baarlamaanka iyo ganacsato.
Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay kulanka sagootinka ayaa u badnaa Ardaydii ka soo qalin jabiyay jaamacadaha dalka Sudan, kuwaasoo weynaynayay xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeysa labada wadan ee soo jireenka ah.
Sagootinta loo sameeyay safiirkii Sudan ee soomaaliya ayaa ahayd mid lagu gudoonsiiyay shaahdo sharaf shaqadii uu kaqabtay soomaaliya intii uu joogay.
Madaxda ka soo qaybgashay xaflada sagootinta ah ayaa qiray dowrka ay dowlada sudan kuleedahay waxbarashada dalka.
Safiirka la sagootinayay ee Sudan u fadhiyay soomaaliya  ayaa sheegay in dhowaan uu dalka imaan doono madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, kaddib markii uu ajiibay dalab uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response