Safiirkii Ruushka ee Soomaaliya oo geeriyooday

by admin | Monday, Jan 18, 2021 | 476 views

Sida ay baahiyeen Warbaahinta ka howlgasha Gudaha Ruushka waxaa geeriyooday Safiirkii Sanadihii Sagaashameeyadii Dowladda Ruushka u fadhin jiray Soomaaliya Sergei Kuznetsov.

Saxaafadda ayaan faah faahin sababaha soo dedejiyay geeridiisa, hayeeshee waxaa uu xilligaan ahaa Safiirka Ruushka u fadhiya Wadanka Imaaraadka Carabta oo xiriir Ganacsi oo ballaaran uu kala dhaxeeyo Ruushka.

Safaaradda Ruushka ee Imaaraadka Carabta ayaa qoraal kooban oo ay baahisay waxaa ugu tacsiyadeeysay Safiirkii Ruushka ee dalka Imaaraadka Carabta, halka Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Khaliifa Bin Zayid dhankiisa uu sheegay in uu la murugeysan yahay geerida Danjire Sergei Kuznetsov.

4-tii Bishii April ee Sanadkii 2019-kii ayaa Serģei Kuznetsov loo Magacaabay Safiirka Ruushka ee Imaaraadka, waxaana uu ku geeriyooday Da’da 68 Sano jir, isaga oo sidoo kale soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo safiirka Ruushka ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Like it? Share it!

Leave A Response