Safiiro Maraykanka ah oo shaqada ka tagaya Trump dartiis{warbixin}

by admin | Saturday, Jun 30, 2018 | 952 views

Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Estonia James D Melville ayaa shaaciyay in uu xilkaas ka tagayo, taasna ay ugu wacantahay siyaasadaha Trump ee uu kula dhaqmayo adduunka intiisa kale, gaar ahaan Midoowga Yurub oo uu kusoo rogay canshuuro dheeraad ah.
Safiiro kale ayaa sidoo kale sheegay in aysan la shaqayn karin Trump, islamarkaasna aysan matali karin Maraykanka iyada oo uu Trump madaxweyne ka yahay, waxaana ka mid ah safiirkii Maraykanka ee Panama u fadhiyay John Feeley iyo Elizabeth Shackelford oo Soomaaliya u qaabilsanayd Maraykanka.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegay ayaa xaqiijiyay in danjire Jim uu xilka ka dagayo 33 sano kadib oo uu xilka hayay.
Madaxweyne Trump ayaa dhaqangaliyay canshuuro dheeraad ah oo ka dhan badeecooyinka dalalka adduunka ay u dhoofiyaan Maraykanka.

Like it? Share it!

Leave A Response