Sagaal dal oo Afrikaan ah oo Soomaaliya ku jirto oo luminaya xuquuqda codbixinta golaha Qaramada midoobay

by admin | Tuesday, Jan 19, 2021 | 439 views

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in sagaal wadan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya ku jirto iyo dalka Iran inay luminayaan xuquuqdooda codbixinta sida ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay ka dib markii ay iska bixin waayeen xuquuqdooda miisaaniyadda hawlgalka ee Qaramada Midoobay.

Xoghayaha Guud Antonio Guterres ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Golaha Guud, Volkan Bozkir, ku sheegay lacagta ugu yar ee 10ka dal u baahan yihiin inay bixiyaan si xuquuqdooda codbixinta dib loogu soo celiyo.

Iran ayaa ugu sareysa liiska waxayna u baahan tahay inay bixiso $ 16,251,298. Waxaa ku xiga Soomaaliya, oo ay tahay inay bixiso $ 1,443,640. Comoros $ 871,632, Sao Tome and Principe $ 829,888, Libya $ 705,391, Congo $ 90,844, Zimbabwe $ 81,770, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $ 29,395, koonfurta Sudan $ 22,804, iyo Niger $ 6,733.

Axdiga Qaramada Midoobay wuxuu siinayaa 193-ka xubnood ee Golaha Guud, awood uu ku go’aansado in ku guuldareysiga bixinta ay sabab u tahay xaalado ka baxsan awooda xubinimada,” taasoo ka caawinaysa inay wax doorto.

Comoros, Sao Tome iyo Principe iyo Soomaaliya waxay ku jiraan dalalka aan weli lagusoo rogin cunaqabayn ka hor istaagaysa xuquuqdooda

Like it? Share it!

Leave A Response