Saldhigga ugu weyn Ciidanka Booliska Galmudug oo la dhisaayo

by admin | Friday, Dec 7, 2018 | 905 views

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Gelle xaaf ayaa kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo wasiirka amniga maamulkaasi.

Waxa ay isla soo qaadeen, inta uu kulanka socday amniga guud ee degaanada Galmudug, iyo sidii degaano ka tirsan Gobolka Mudug looga saari lahaa Al-Shabaab.

Madaxweyne Xaaf ayaa Ciidamada Daraawiishta Galmudug, faray in ay u diyaar garoobaan sidii dib loogu soo celin lahaa degaanada ay shabaab ka haystaan Galmudug.

Waxa uu sheegay in laga maarmaan tahay in laga hortago waxyaabhaha keeni kara amnidarro, isla markaana uu bilaabanayo dagaal Al-Shabaab looga saarayo degaanada ay ka joogaan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug, waxaana uu sheegay in dhawaan magaalada Dhuusamareeb laga furi doono Saldhigga ugu weyn Booliska Galmudug.

Kulanka uu Madaxweyne Xaaf la qaatay Saraakiisha Ciidamada Galmudug iyo wasiirka amniga maamulkaasi ayaa kusoo aadaya xilli Maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al shabaab, iyada oo ay xusid mudan tahay in Al Shabab ay gacanta ku hayaa qeybo kamida Gobolka Mudug, iyo deegaano iyo ka degmooyinka ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response