Sanetor Muuse Suudi ” Diyaarad hawada Laga celinaayo dowladaan ayaan ka aragney”

by admin | Sunday, Feb 9, 2020 | 609 views

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa ku dhaliilay dowladda dhexe Soomaaliya xayiraada inta badan la saaro diyaaraddaha aadda qaar ka mid ah maamulada dalka ka jira.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Hay’adda duulista Rayidka ah ay noqoto Mid madax banaan oo aysan adeegsan Shaqsiyaad dano gaar ah leh.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu sidoo kale ku eedeeyay in si aan habooneyn in ay ku maareyso dhaqaallaha kasoo baxa Hay’adda duulista Hawada Soomaaliya oo maamulada aan loogu qeybin si siman.

Sanetor Muuse Suudi ayaa yiri ” Diyaarad hawada Laga celinaayo dowladaan ayaan ka aragney”

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid xilli maanta ay Xildhibaanda Golaha Aqalka Sare ay Anisixiyeen Sharciga duulista Hawadda Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response