Saraakiil ciidan oo lagu dilay dagaalka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.{sawiro}

by admin | Thursday, Oct 15, 2020 | 397 views

Dagaal ay ku dhinteen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmadooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Iskahorimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo milatari ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ku safreysay wadada laamiga ah ee isku xirta Afgoye iyo Wanlaweyn gaar ahaan deegaanka Buulalow.

Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ciidamo tiradoodu gaareysay illaa toban askari kuwaasoo ay ka mid ahaayeen saraakiil Saraakiil ciidan.

Askarta iskahorimaadka lagu diley ayaa waxaa kamid ahaa Cabdulle Cali Mire Iyo Cabdi maxamed Guutaale oo kamid ahaa Ciidamada la weeraray.No description available.No description available.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada milatariga Soomaaliya oo ku saabsan iskahorimaadkan hase yeeshee Xooggaga Alshabaab ayaa sheegtay in ciidamo badan ay ku dileen dagaalka.

Like it? Share it!

Leave A Response