Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee soomaliya ayaa magaalada baladweyne kula kulmay qaar ka mid ah Madaxda Hirshabelle

by admin | Friday, May 24, 2019 | 1100 views

Kulan u dhaxeeyay Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay Ee Hirshabelle Madax kale oo Xafiisyada UN-ka Soomaaliya ka socday iyo Masuuliyiin Hirshabelle ka tirsan oo Maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Waxaa Wafdiga UN-ka ee kulankaasi ka qeyb galay Hoggaaminayay Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin iyo Masuuliyiin ka socday Xafiiska gar gaarka Deg Dega Qarama Midoobay ee Soomaaliya.

Dhanka Hirshabelle Waxaa madaxdii kulankaasi ka qeyb gashay Hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtoyada Hirshabelle Xildhibaan C/llahi Maxamed Cadoow waxaana qeyb ka ahaa Wasiirka Amniga C/qaadar Jeele, iyo La tiliyeyaal Sare oo Md Waare ka socda.

Waxeey labada dhinac ka wada hadleen Xaaladaha Bini”Aadanimo ee Hirshabelle ka jira Amniga iyo Horumarinta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif oo u baahan in wax badan laga qabto.

Fatahaada kusoo noq-noqda Goballka Hiiraan, sida looga hortagi karo ama Wada jir wax loogu qaban karo dadka aay saameeyso markii Fataada timaado ayaa kulanka lagu soo hadal qaaday.

Kulankan ayaa Hor dhac u ah Kulan ballaaran oo Madaxda Hirshabelle iyo kuwa UN-ka ku dhex mari doono maalmaha soo aadan Magaalada Beledweyne.

magaalada   baladweyne waxaaa kusuagan    Xubno ka kooban Labada Gole Ee Hirshabelle waxaana ka mid ah  Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle waxaana ka qeyb ahaa Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Maxamed Maxamuud C/lle (Maxamed Dheere) iyo Xubno kale oo ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano Hirshabelle ka tirsan.

Waxaa Wafdiga Laba Gole ah ee maanta Beledweyne soo gaaray horay kaga soo horeeyay Beledweyne Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Xildhibaano iyo Wasiiro Hirshabelle ka tirsan.

Sidookale Shirka waxaa lagu soo hadal qaaday Arrimaha qeybsiga Deeqaha iyo Kaalinta Hirshabelle aay ku leedahay.

 

Socdaalka Madaxda Hirshabelle ugu sareeysa qaarkood aay Beledweyne kusoo gaareen ayaa durba dhalisay Hadal heyn badan oo Bulshada ah.

 

Like it? Share it!

Leave A Response