Sarkaal ka tirsanaa Degmada Howl-Wadaag oo Suuqa Bakaaraha lagu dilay

by admin | Saturday, Jan 19, 2019 | 854 views

Koox hubeysan ayaa waxa ay goor dhaw oo maanta ah ku dileen gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada Gudoomiye laameed ka tirsan Waaxda Xaawo Taako ee Degmada Howlwadaag.

Gudoomiye laameedka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Nuur Abiikar (Axmadey Shiiqaal) waxaana dableyda dishay ay risaas kaga fureen qeybta sare ee jirkiisa taasi oo uu u geeriyooday.

Waxa kale oo ay dableyda dilkaan geysatay ay dishay wiil dhalinyaro ah oo la socday gudoomiye laameedka la dilay, waxaana uu isku dayay in uu ka baxsado hase ahaatee uma suurta gelin oo way toogteyn.

Dableyda dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, waxaana goobta uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan dableyda dilka geystay oo Biskoolado ku hubeysnaa.

Like it? Share it!

Leave A Response