Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay DFS

by admin | Friday, Jul 3, 2020 | 398 views

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka AL-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah dalalka Africa ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan isku soo dhiibay Dowladda kana soo baxay AL-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Abukar Maxamed Dhagoole oo Al-Shabaab dhexdeeda loo yaqaan magaca (Caato).

Caato ayaa Ururka Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta lacagaha ay Al-Shabaab ka qaado dadka ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gaadiidka isticmaalo waddooyinka maro Gobolkaas.

Sarkaalkaan ayaa wuxuu isku soo dhiibay ciidamada kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida u sheegay in sarkaalkaan ay soo dhaweeyeen  islamarkaasna ay u gudbindoonaan hay”adaha ku shaqadaleh.

Muddooyinkii dambe waxaa soo badanayey xubnaha ka tirsan AL-Shabaab ee isku soo dhiibayo Dowladda Soomaaliya kadib markii ciidamada Dowladda ay howlgalo Militari ka  bilaabeen Gobolka Shabeelada Hoose.

Al-Shabaab weli kama aysan hadlin sheegashada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ah inuu isku soo dhiibay sarkaalkaas la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Shabeelada Hoose.

Like it? Share it!

Leave A Response