Save The Childreen oo ka digtay saameynta Abaarta ka jirta Soomaaliya, Itoobiya & Kenya.

by admin | Friday, Aug 5, 2022 | 405 views

Hay’adda Save The Childreen ayaa ka digtay koror ku imaan Dadka Abaartu ku saameysay Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo tiro ahaan gaaraya 18.6 Milyan oo ruux balse haddii aanay roob da’in September tiradu gaari karto 20 Milyan oo ruux.

Warbixin ay soosaartay Hay’addu oo ay la socdaan sawirro ay kasoo qaaday meelaha ay saameynta taban ku reebtay Abaarta & Wareysi ay la yeelatay qaar kamid ah Qoysaska Abaarta saameysay ayay kusoo jeedisay in laga hortago halistaas muuqata.

Hay’addu waxa ay tilmaamtay in Dadka ku dhibaateysan deegaannada ugu daran ee abaartu saameysay ay u baahan yihiin Cunno & Biyo oo ah labada sheey ee ugu horreeya kahor inta aan loo gudbin hoy ay degaan.

“Ugu yaraan 18.6 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya waxaa heysato cunno yari aad u daran & nafaqo darro sii kordheysa, tirada ayaa September 2022 gaari karta 20 Milyan waa haddii uusan da’in Roobka” Save The Childreen.

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa warbixinno marar kala duwan ay soosaareen waxa ay kusoo bandhigeen heerka ay gaarsiisan tahay abaarta ka jirta Soomaaliya, Itoobiya & Kenya oo u baahan ka warqab joogta ah.

Like it? Share it!

Leave A Response