Soomaaliya waxaa ka jira idaacada kala duwan oo ubadan kuwo si shaqsi ah looleeyahay waxaa xarumohoodu ay kuyaalaan gudaha soomaaliya waxaana dhageysta dadka kunool meelaha ay idaacadahaasi kuyaalaan balse majirto idaacad ay si toos ah ugu xiranyihiin soomaalida oo dhan meelkasta oo ay kunoolyihiin.
Sanadba sanadka ka danbeeya waxaa sii kordha idaacadaha laga furaayo soomaaliya .
Saxaafadda marka la eego sharciyada u qoran ee la rabo in uu saxafigu ilaaliyo waxaa ka mid ahin uu san qaadanin Laaluushka oo sida la isku raacay ah halisaha koowaad ee saxufiga ku ridda danbiyo,una soo jiidda sharaf dhac iyo in uu ku sifoobo shaqsi daciif ah oo aan la aamini Karin warka uu bulshada u soo gudbinayo.
Hadaba, shaki kuma jiro in maanta saxaafadu ay noqotay ganacsi qofkii aan lacag dhiibina uu warkiisu yahay mid liita oo aan la sheegin ama hadii la soo qaato aan loo dhigin sidii uu ahaa, halka la buun buuniyo midka dhiiba lacagta wuxuu doono ha ahaadee, lacagtaas oo loo bixiyay {SHARUUR} wariyaasha caalamka qaar ayaa u arko sharuurta in ay tahay magac lagu asluubeynayo laaluushka Saxaafadu qaadato, balse waxaa cajiiba ah in masuul kasta oo warbaahineed mararka uu ka qeyb galayo doodaha saxaafdeed ee quseeya arimahaan uu dhankiisa si aada u canbaareeyo in wariyuhu laaluush qaato iyo in aysan ka warbaahin ahaan sharcigaba ugu jirin iyaga. wariyihii lagu ogaadana laga joojiyo shaqada, lkn ilaa iyo hada majiraan wariyaal shaqada loogu joogiyay laaluush ay qaateen,
Soomaaliya oo xilligaan ay ka jiraan maamulo tirobadan oo aragti ahaan isdiidan ayeeysan suuragal ka noqon karin inay aaminaan warka uu usheegayo weriye ay ogyihiin in uu yahay in uu ushaqeeya warbaahinta maamuladas isdiidan oo laga yaabo in xurgufi kala dhexeeyso .
xitaa Soomaaliya hadii aad u baahato warbaahin ma heleysid mid aan ku weydiineyn lacag iyadoo weliba lagula gorgortamayo,
Soo if bixii Saxaafadda madaxa banaan ee dalkeena Soomaaliya kadib waxaa dalku soo maray maamullo kala duwan waxaan dalka ka dhacay dagaalo dad badan ku hoobteen waxayna saxaafaddu ku shaqaysay duruufo aad iyo aad u dhib badan waxaa loo geystay dil xarig hanjabaad waxayna u dhabar adaygtay oo ay meel cad uga soo hartay duruufahaa adag e soomaray waxayna noqdeen kuwo marka dhanka wanaagga laga eego kaqayb qaatay samatabixinta dalka ama haddii si kale loo dhigo bur burka dalka.
maamulkasta ee dalka ka dhisan mid waliba waxa uu sigaar ah u doonayaa in danihiisa un aad sheegto haddii waxaad kala kulmeysaa dhibaato.
Waalaidiintu xitaa maanta marka ay rabaan in ay adeegsadaan caruurtooda ay ku yiraahdaan waxaas ii soo gad inta soo hartana qaado, ama anaa ku qurxinaayee shaqadaa soo qabo,oo macnaheedu yahay in sharcigii ama xaqii waalidku u lahaa in loo fuliyo amarkiisa in shallinku ka xoog badan yahay.dadka qaar waxaa ay qabaan in howlaha saxaafada aaney u socon si cadaaladda iyo sharciga waafaqsan,balse waxa lagu kala muraadsanayo ay tahay shillinka un.
Bashiir cabdulahi osmaan
Beledweyne.Soomaaliya