Sedex waxyaabood oo laga bartay doorashadi shalay ee madaxweynaha K/G

by admin | Thursday, Dec 20, 2018 | 864 views

Is jiijiid dheer kadib tanaasulkii Shariif, xiritaanki Roobow, banaabaxyadii Baydhaba, waxaa gebi ahaanbi lagu kale baxay doorashadi madaxtinimada ee Koonfur-galbeed taasoo muddo dhowr jeer baaqatay, si kastaba ha ahaatee, Cabdicaziz Xassan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa  ku guuleystay madaxweynaha Koonfur-galbeed.

Haddaba aan halkan idinku soo gudbiyo seddex waxyaabood oo aan ka baran karno doorashada Koonfur-Galbeed.

1) – Ninkii xoogaa heysta bay xaajo u toostaa

Marka aad u kuurgasho qaababka ay u dhacaan doorashooyinka Soomaaliya, waxaa kuu soo baxaya in kaliya ninkii xoogaa heysta ay xaajadu u toosto, lacagtuna tahay mid wax doorata, si kale hadaan u dhaho, Xildhibaanka wax dooranaya ma ahan mid qadiyad ama hadaf guud ka leh cidda la dooranayo. Taas sababteeda miyaad aqriste I weydiin?! Xaq baad u leedahay, aan jawaabta kuu dedejiyee, Xildhibaanka wax dooranaya laftigiisa ma ahan mid si caddaalad ah lagu soo doortay si uu u kasbado kursigaasna kaash badan baa kaga baxay. Codkiisu wuxuu ugu deeqaa shaqsiga dantiisa gaarka ah fulinaya, isagoon danna ka gelin danta guud ee bulshada uu metelo, wallow ay jiraan qaar wanaagsan laakin sida ay u badanyihiin baan ka hadlay.

2) – Saameynta taageerada Dowladda

Sida muuqatay madaxweynaha la doortay ee Cabdicaziz laftagareen waxa uu taageero dhinac kasta leh ka helayay dowladda federaalka Soomaaliya. Kana garo taas dadaalkii ay dowladda ku bixisay doorashada KG. Dhabcan sida la fahmi karo dowladda ayaa u jeedkeedu ahaa inay madaxtimada Koonfur-galbeed kusoo baxo shaqsi ay isku aragti yihiin amaba ay wada shaqeyn karaan. Maadaama maamulkii hore ee Shariif ay kala aragti duwanaayeen. Waxaana muuqanaysa in taageerada dowladda ay saameyn weyn ku yeelan doonta doorashooyinka xiga cidda noqoneysa madaxda maamul goboleedyada.

3) – Dowladda waxa ka go’an inay madaxda maamulada kale meesha ka saarto

Kadib khilaaf daba-dheeraaday oo u dhaxeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo dib u dhigay hannaanki horay u socodka dowlada, ayaa waxaa hadda muuqanaya in xal lagu kala quustay, dowladdana xusul duub xooggan ugu jirto sir iyo saaq kastaba ha u martee sidii ay gebi ahaanba meesha uga saari laheyd madaxda maamul goboleedyada kale, iyadoo ku dadaaleysa inay keento shaqsiyaad iyada ay isku aragti yihiin.

Waxa ay hadda soo afjartay maamuladi Hirshabeelle iyo Koonfur-Galbeed iyadoo hadda u muuqata inay u tafaxeydeynaso sidii ay meesha looga saari lahaa madaxda maamulada Puntland, Jubaland iyo Galmudag oo ay kala hoggaamiyaan Gaas, Madoobe iyo Xaaf, waxeyna howsha u muuqataa faanoole weli fara kama qodna.

Dhanka kale, madaxda dowladda federaal ayaa dagaal ba’an ugu jira sidii ay markale ugu soo noqon lahaayeen hoggaanka madaxtinimo ee doorashada 2021, taasoo ku xiran inay taageero xooggan ku yeeshaan maamul gobaleedyada kale

Like it? Share it!

Leave A Response