Shaakir oo la kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka Galmudug

by admin | Saturday, Feb 15, 2020 | 849 views

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  oo ahlusunna u dooratey Madaxweyne Galmudug ayaa kulan laqaatay qaar ka mid ah odoyaasha Guriceel iyo Dhuusamareeb iyagoo iska xog wareystay sidii loo dardar galin lahaa  hormarka Dowlad Goboleedka Galmudug

Odoyaasha ayaa sheegay in ay Doorkooda kaga aadan hormarka Galmudug qeyb weyn ka qaadan doonan ayna garab taagan yihiin howlaha siyaasadeed ee Ahlusunna waljamaaca .

Ahlusunna ayaa kasoo horjeesatey Doorashada madaxda Galmudug ee Dowladu aqoonsatey taasi oo keentay in ay soo dhistaan maamul uu madaxweyne ka yahay Sh Shaakir oo horay u ahaa Madaxda Xukuumada Galmudug kana tirsan Hoggaanka Sare ee Madaxa Ahlusunna ee waqtigan .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan labo Madaxweyne, waxaana dadka qaarkood ay walaac ka muujinayaan in iska hor imaad uu ka dhaco Magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response