Shabaab oo isbaaro dhigtay waddo muhiim oo looga adkaaday DF Soomaaliya

by admin | Wednesday, Apr 17, 2019 | 814 views

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Bar-Kontarool oo lacag lagu qaado soo dhigtay laba degaan oo ku yaala duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada dhexe kadib markii ay ka go’een Mas’uuliyiinta HirShabeelle iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Degaanada Al-Shabaab ay ku qaadaan Lacagta islamarkaana ay ku baaraan dadka iyo Gaadiidka ayaa kala ah Ilbaq iyo Qalimow waxayna ku yaalaan inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe.

Dad shacab ah oo ku soo safray wadadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-shabaab ay lacag dhan 100 kun oo Shilin Soomaali ah ka qaadaan Gaadiidka isaga Gudba Shabeelada dhexe iyo Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa baara dadka gaadiidka saaran iyagoo weydiiya su’aalo ku saabsan hadii ay arkeen Askar Ciidamada katirsan iyo Shaqaalaha Dowladda ama kuwa HirShabeelle.

 

Like it? Share it!

Leave A Response