Shabaab oo Muqdisho ku toogtay Mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada soo doortay

by admin | Sunday, Jul 1, 2018 | 981 views

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay waxa qeybo ka mid ah degmada Dharkeenlay ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ibraahim Cali Xasan,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.

Like it? Share it!

Leave A Response