Shabaab oo qal qal amni ka abuuray Caasimadda Uganda…

by admin | Monday, Jul 16, 2018 | 1048 views

Ku-xigeenka Afhayeeka Boliska Uganda, Patrick Onyango oo la hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay in Heegan buuxda geliyeen Ciiddanka Boliska iyo kuwa Milliterig, si ay uga hor tagaan inay Alshabaab mar kale weerar ka geystaan Ciyaarta Finaalka ee Koobka Adduunka oo caawa lagu soo gebagebebeyn doono dalka Raashiya.

Patrick Onyango waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Boliska ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, kuwa Ka-hortaga Qaraxyadda iyo Milliteriga inay ilaalo socod iyo gaadiidba leh ku gaaf-wareegi doonaan magaalladda Kampala iyo magaallooyinka kale ee waa weyn ee dalkaasi, si ay uga hortagaan Weerar kasta oo ay suurto-gal tahay inay dhacaan inta la dawaanayo Ciyaarta Finaalka ee Xulalka Faransiiska iyo Koreeweshiya oo caawa ka dhici doonta dalka Raashiya.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxaa horey loogu eedeeyey inay ka dambeeyeen 2 qarax oo bishi iJuly 11-dii ee sannadkii 2010-kii lala beegsaday dad ciyaartii Finalka ee Koobka Adduunka ku daawanaysay gudaha Kampala.

Hay’addaha Ammaaaka Uganda waxay sheegeen inay ugu yaraan 76 qof ku geeriyootay qaraxaasi, halka Tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen

Like it? Share it!

Leave A Response