Shabaab oo qoysas danyar ah ka barakiciyay Berdaale

by admin | Monday, Apr 12, 2021 | 282 views

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qoysas danyar ah ka barakiciyay deegaano hoos yimaada dagmada Bardaale oo gobolka Baay sida ay sheegeen maamulka dagmadaas.
Gudoomiyaha dagmada Bardaale Maxamed Xuseen Isaaq ayaa idaacadda VOA-da u sheegay iney deegaanada hoos yimaada dagmada Bardaale kasoo barakaceen ku dhawaad 500 kun qoys, kuwaas oo sida uu hadalka u dhigay Al-Shabaab ka diiday iney caruurtooda askariyeeyaan.
Sidoo kale wuxuu sheegay in dadkaan ay kasoo carareen guryahoodii iyo beerahoodii maadaama dhulka lasoo barakiyay ay yahiin dad noloshooda ay ku tiirsaneed iney beertaan dhulkooda.
Guddoomiyaha wuxuu Hey’adaha samafalka ka codsaday inay dadkaan u soo gurmadaan, maadaama ay fooda nagu soo heydo bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay yihiin dad danyar ah oo guryahoodii laga soo barakiciyey.

Tuulooyinka dadkaan laga soo barakiciyey ayaa ah dhul beereed, waxayna dadkaan ku tiirsanaayeen tabcashada beerahooda, intii aysan ka soo barakici kooxda Al-Shabaab oo ku xujeysay inay caruurtooda askareeyaan ama deegaanka ay isaga guuraan.
Si kastaba muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray is faham darro soo kala dhex gashay dadka deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab maadaama ilo deegaanka ah ay sheegeen in dadka deegaanka ay diideen in caruurtooda lagu daro Al-Shabaab,

Like it? Share it!

Leave A Response