Shabaab oo saaka weerar culus ka fulisay Qalimow iyo wararkii ugu dambeeyey

by admin | Sunday, Feb 2, 2020 | 521 views

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar iyo dagaal toos ah oo saaka ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Qalimow oo dhaca wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana xigay dagaal foolka fool ah.

Labada dhinac ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocdyadiisa kala duwan, islamarkaana socday muddo saacado ah.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ee joogay saldhigga ay sameeyeen iska caabin xoogan, islamarkaana ay khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahannadii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale saraakiishaan ayaa xaqiijiyey in dagaalkaasi lagu dilay ugu yaraan 7 dagaalyahan, sidoo kalena ay dhaawaceen shan kale, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa looga hadlay weerarkan iyo dagaalka xigay.

Qoraalka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay dagaalyahanooda cagta mariyeen saldhigga, islamarkaana ay la wareegeen muddo kooban.

Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ee lagu baahiyey Internet-ka ayaa lagu sheegay in halkaasi ay ku khaarijiyeen illaa 13 askari oo ay ku jiraan 2 sarkaal.

“Mujaahidiinta ayaa saaka soo afjaray saldhig ay maleeshiyaadka murtadiinta uga sugnaayeen deegaanka Qalimoow ee wilaayada Sh/dhexe, dhimashada murtadiinta waa 13 askari oo ay ku jiraan laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Indhabuur oo ahaaa sedax xidigle Urur iyo sarkaal kale oo la oran jiray Jilibeey.” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa hadda yara degan, waxaana deegaanka Qalimow haatan ku sugan ciidanka dowladda, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya duleedka Balcad iyo deegaanada ku xeeran halkaasi oo ay fariisimo ku leeyihiin Milatariga Soomaaliya

Like it? Share it!

Leave A Response