Shabaab oo saddex ruux ku toogtay Shabeellaha Hoose

by admin | Wednesday, Dec 12, 2018 | 828 views

Ururka Al-Shabaab ayaa  fagaare ku yaala degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogtay saddex nin oo sheegeen in labo ay aheyd Askar ka tirsanaa Ciidanka dowladda , halka midka kalena u ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Maxkamadda Al-Shabaab ayaa raggaan ku riday xukun dil ah, waxaana ugu dambeyntii lagu fuliyay Shalay galinkii dambe.

Qaadi u hadlay Maxkamadda Al Shabaab ayaa sheegay Maxamuud Faarax Aadan oo 28 jir ahaa iyo Mahad C/laahi Abuukar oo 29 jir ahaa, in ay ahaayeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya, halka Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ahaana uu ka tirsanaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Fagaaraha uu xukunka ka dhacay ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah dadka degaanka, oo Shabaabku ay ugu yeereen in ay halkaasi isugu soo baxaan.

Al Shabaab ayaa xukuno kala duwan ku rida dadka ay ku eedeeyaan inay galeen falalka kufsiga , dilalka ama in ay ka tirsan yihiin dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda.

Like it? Share it!

Leave A Response