Shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay ku qabteen dagaalkii Baar-sanguuni

by admin | Tuesday, Jul 24, 2018 | 946 views

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degmada Jamaame ee gobolka Jubbadada Hoose waxa ay ku soo bandhigeen askar nool iyo meydadka askar la dilay, kadib dagaalkii cuslaa degaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Al Shabaab ayaa Laba askari oo nool iyo meydadka Lix askari waxa ay ku soo bandhigeen fagaare ku yaalla degmada Jamaame, halkaasi oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo lagu wargeliyay inay bandhigan yimaadaan.

Saraakiil ka tirsan Shabaab oo ka hadlay goobta fagaaraha ah ee askartaan lagu soo bandhigay ayaa ku faanay Ciidamada Shabaab inay guul ka soo hooyeen dagaalkii cuslaa ee ay ku qaadeen degaanka Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.

Ururka Al Shabaab ayaa shalay aroortii weerar lagu daah-furay qarax culus waxa ay ku qaadeen xerada Baar-sanguuni, labada dhinac guulo ayay ka kala sheegteen dagaalka, Shabaab waxay sheegteen dagaalka inay ku dileen 27 askari, halka dowladdu ay sheegtay inay dishay 87 dagaalame oo ka tirsanaa Shabaab.

Al Shabaab ayaa horey sidan oo kale waxay gacanta ugu dhigeen Ciidan ay dagaalo kala duwan ku qabteen, kuwaasi oo qaarkood u dhashay wadamada Soomaaliya, Uganda iyo Kenya, qaar ka mid ah ciidamadii ay qabsadeen way dileen, sida ay horey u soo bandhigeen.

Like it? Share it!

Leave A Response