Shabaab oo weeraray Waqooyi Bari Kenya

by admin | Monday, Jan 21, 2019 | 814 views

Xoogaga Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ka gaystay Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, halkaas oo ay dadna ku dileen sidoo kale ay ku burburiyeen Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Waqooyi Bari, Ururka Al-Shabaab ayaa xalay beegsaday degaanka Shimbiriley oo 70 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Gaarisa.

Degaankaan ay weerareen Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ku sugneyd shirkad laga leeyahay Shiinaha , islamarkaana ay halkaasi ka wadday dhismo Waddo.

Dagaal Kooban ayaa dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ee ku sugnaa degaankaasi, waxaana ka dhashay Khasaare, waxaana warar qaar ay sheegayaan in Shabaab ay beegsadeen gaadiid ay laheyd Shirkad Shiineys ah.

Wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mas’uuliyiinta dalka Kenya oo ku aadan weerarkaan xalay lagu qaaday degaanka Shimbirileys ee gobolka Waqooyi Bari.

Like it? Share it!

Leave A Response