Shabaab oo xukun dhagax ku dil ah ku fuliyay haweenay

by admin | Wednesday, May 9, 2018 | 1071 views

Al Shabaab, ayaa  fagaare ku yaalo degaanka Sablaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxa ay ku dileen Haweenay lagu eedeeyay in ay guursatay 11 nin sidda ay shaaciyeen Warbaahinta Al-Shabaab.

Dilka Haweenayda ayaa waxaa loo adeegsaday dhagax , Maadaama ay ku xukuntay Maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadda Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa eedeyntaan ku soo rogtay gabadha, kadibna waxa ay maxkamadda xukuntay in xukuneeda uu yahay dhagax in lagu dilo, sidaasina gabadhii waxaa lagu dilay dhagax, xilli ay daawanayeen dadka degaanka oo  isu soobaxay.

Haweyneyda la dilay ayaa magacaabi jiray Shukri Cabdullaahi Warsame, waxaana qaadiga maxkamadda uu sheegay in gabadhaasi ay qiratay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in ay guursatay 11 nin oo aan iska warqabin.

Ciidamo ka tirsan Shabaab ayaa durba dhagxaan ku boobay gabadhii oo halkaasi ku dilay, ugu dambeyna maydka marxuumadda ayaa meesha laga qaaday………….

Like it? Share it!

Leave A Response