Shabaab oo xukun ku riday nin lagu eedeeyay fal kufsi ah

by admin | Monday, Oct 22, 2018 | 958 views

Ururka Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Towfiiq ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxa ay xukun karbaash ah kula fuliyeen nin lagu eedeeyay inuu ku dhacay fal kufsi ah.

Mahdi Maxamed Calasoow Maxamuud oo 17 sano jir ah ayaa lagu dhuftay 100 Jeydal kadib markii uu kufsday gabar lagu magacaabo Maryan Abuukar Axmed Mantaan oo 16 sano jir ah.

Maxkamadda Al Shabaab ee gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa amar ku bixisay in 100 Karbaash lagu dhufto ninka dhalinyarada ah, iyadoo ay daawanayeen dadka degaanka oo la isugu keenay fagaare wayn.

Qaadiga Maxkamadda xukunka Riday oo goob fagaare ah ka akhrinayay xukunka ayaa sheegay ninka gabadha ku xadgudbay in lagu xukumay in uu bixiyo maharka gabadha oo ah $200, sidoo kale wiilka kufsiga geystay waxaa lagu xukumay in muddo sanad ah laga masaafuriyo degaanka uu dambiga ka geystay.

Sidoo kale Qaadiga maxkamadda Shabaab ayaa uga digay dadka degaanka inay ku kacaan falal ka baxsan shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay tallaabo sharciga waafaqsan in laga qaadi doono dadkii falkaasi oo kale ku kaca.

Ehelada gabadha falka kufsiga ah loo gaystay ayaa soo dhaweeyay tallaabada xukunka ah ee Shabaab ay sameeyeen.

Al Shabaab ayaa xukuno kala duwan ku rida dadka ay ku eedeeyaan inay galeen falalka kufsiga iyo dilalka.

Like it? Share it!

Leave A Response